|

Labada School ee Boodhinka ah ee Baaxada leh ee dhismahoodu hada ka socdo Gobolka Saaxil Halkeey Marayaan?

May 16,2013(SDN)-Labada iskuul ee Mataanaha ah ee loogu kala magacdarey Dubur Boarding School iyo Dabeyl-Weyne,Boarding School Waxaa dhismahooda la bilaabey Sanadkii hore Bishiisii Sagaalaad September 2012.

Waxaana ay socdeen mudo 10 Bilood ah. Waxaa uu Dugsi-waliba ka kooban yahay, Dusgsi sare iyo mid- Dhexe oo boodhin ah oo Goob-keliya ku-wada yaala. Waxa loogu tala galey in ay dhigtaan arday gaadheysa ilaa iyo 560 arday oo isugu jira Sare iyo Dhexe.

Waxaa fasalada dhismahoodu hada dhamaadey ay ka kooban yihiin ilaa iyo min-Sideed Fasal Dugsigiiba oo aad u-balaadhan oo noqonaaya ( 8 Fasal x 35 = 280 Ardey ) Midkiiba. Marka labada iskuul la isku daro waxa ay ardeydu noqoneysaa sidan (280 ardey oo Dugsi sare ah iyo + 280 ardey oo Dugsi dhexe ah, Taas oo uu isku darkoodu noqonaayo 560 ardey ).

Tirad aa Badan ee ardeydu waxay ku tuseysaa in ay noqon-doonaan Dugsiyo balaadhan oo ay ka soo baxi-doonaan dhalinyaro badan oo Dalka iyo Diintaba Wax-tara iyaguna wax-istara. Hadii allaha Awooda lihi inagu Garab-galo Dhameystirka Labadan Iskuul Dhismahooda.

Waxa hada socda oo dhamaad ku sii dhow Labadii iskuul ee dhexe qayb-toodii hore oo ka kooban fasaladii, Guryihii hurdada ee ardeydu seexanayeen iyo musqulahoodii. Ilaa iyo hada kharajka ku baxey labadan Dugsi ee Baaxada leh ee weji-goodii labaad hada dhamaadey waa laba boqol iyo konton kun oo dollar
( $ 250 000.00 ).

Waxaa hadhey oo uu Weji-gooda Sedexaad iyo Afraad uu noqo-nayaa ,Hoolalkii Cuntada,Madbakhii,Guryihii.Macalimiintu ay degayeen,Musqulihii-debeda,Bakhaaradii Raashinka ,Kantiinkii, Laybareerigii, Laba Masaajid oo aad u- Balaadhan iyo Guryihii shaqaalaha caadiga ah sida kuukta,Waash-maanada, Shaqaalaha nadaafada ,Mishiinadii biyaha iyo leydhka.

Walaalayaal Kharashka inoo hadhey hada ee u-baahan in loo guntado oo lagu taba-ruco waxa lagu qiyaasey ilaa todoba-boqol iyo konton kun oo dollar( $ 750 000.00). Taas oo ah Lacag aad iyo aad u-badan oo aaney bixin kareyn Shaqsiyaad Koobani.

Hadaba anaga oo ah Gudidii Hawshaa loo igmadey waxaanu si naxariis leh idiinka codsaneynaa hadii aad tihiin Hayadaha -Sama -falka, Shirkadaha Ganacsiga , Xawaaladaha, ama Dadka muxsiniinta ah ee Khayrka Jecel iyo kuwa jecel in ay xagii loo badnaa ay wax u-sii hormar-sadaan in ay gacan mug-leh ka geystaan Mashruucan Balaadhan ee qiimaha badan ku fadhiya ee Sadaqaatu-Jaariyada ah ee la rabo in ay ka faa’ideystaan, Caruurta ay dhaleen dadka saboolka ah,Agoomaha, Caruurta reer Guuraaga iyo kuwa beeraleyda ah ee ay ka kala go’dey Sil-siladii Waxbarashadu kuwaas oo badan-koodu noqda Qaar-Debedyaal ah iyo Qaar Degaanka Baa-biiya ama Dhuxulayaal ku-danbeeya ka-dib markii ay -Waayeen Fur-sado iyo Dugsiyo ay Wax- ku-bartaan.

Hadaba,Waxaanu Mar-labaad idiinka codsaneynaa in aad nagala soo qeyb-gashaan Qaa-dhaankan Dhismaha Iskuuladan oo aan hada wax lacag ah oo buuran loo &n bsp;heynin.

 

.Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-laahum-Aclum Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Gudoomiyaha Gudida Horumarinta
Gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco
Muse Hirsi Abokor (Muse Dalab).
Email: m.guled52@hotmail.co.uk
Email: inafidhinle@gmail.com
Mobile: 44-07950 341 347
Mobile: 44-07766 113 887
A/C No: 0092 4516
Sort-code: 30-96-35
Bank: Lloyd TSB Bank
Magaca: A/C ku-qoran:
Mohamud.H.Adam Guled.

Comments are closed