“Wixii halkaas ka dhacay ee Geerida iyo dhaawacu ba ku yimaadeen waxaanu u aragnaa Khalad inay ahayd, khaladkaasi dhacayna Askarigayaga u xambaarin mayno” Wasiirka Arrimaha Gudaha
Burco 15.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo hawl shaqo ku jooga Magaalada Burco ayaa maanta daboolka ka qaaday inay soo afjareen dhacdadii rabshada wadatay ee Ka dhacday Magaalada Burco,isla markaana ay Xukuumadu dusha u ridatay Mas’uuliyada Wixii Khasaare ah ee Yimid .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu Waxa uu Kulamo kala duwan la yeeshay Maamulka Gobolka,Ka Degmada Burco,iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaan Wiilkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii doraad ka dhacay magaalada Burco.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo Warbaahinta la hadlayay ayaa Sheegay inay gebi ahaanba dhamaystireen dhibaatadii ka dhacday Magaalada Burco waxaanu xusay in Xukuumadu ay dusha u ridatay Mas’uuliyada khasaarihii uu sababay banaan bixii Magaalada Burco Gil Gilay, Wasiirku waxa uu Yidhi “Wixii halkaas ka dhacay ee Geerida iyo dhaawacu ba ku yimaadeen waxaanu u aragnaa Khalad inay ahayd, haddii khaladkaasi dhacayna Askarigayaga u xambaarin mayno, khaladkaasna annagaa qaadana”.
Mudane Duur waxaa kale oo uu ka hadlay Cabashada laga Muujiyay Ciidamada RRU oo la sheegay inay Amar Madaxda Gobolka iyo ka degmadu siin inay ku soo Galeen Xarunta dawlada hoose ee Burco,taasina tahay ta dhalisay dhimashada iyo Dhaawaca rabashadahaas ka dhashay waxaanu yidhi “Horta RRU-du waa Ciidan ka Tirsan Ciidanka Booliska macno kale ma leh,Waa Ciidanka Qaba Tababarka oo ka tirsan Ciidanka Booliska,Waxay u Xilsaaran yihiin oo awoodooda Shaqo tahay Shaqo kasta oo Ciidanka Boolisku u Xilsaaran yahay,Maadaama uu yahay askari Boolis ah” Wasiirka oo ka Jawaabayay Cida Bixisay Amarka ay Ciidamada RRU ku Galeen Xarunta Dawlada hoose ee Burco ayaa ku Jawaabay ”Nabadgalyada Askari isagaa ku Amran, Markaa Cid ay amar ka sugayaan Wixii Nabadgalyo daro ah ee dhacda Ma Jirto Si gaar ah Ciidankani Tababar gaar ah ayuu qabaa oo loo adeegsado Xaalado gaar ah,Markaa Ma doonayno in Shicib iyo Madaxba aynu kala Sumadno Ciidanka”. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland .
Burco SDN.
Qurbejoog.com