|

Canada oo dib u soo celineysa xirirka kala dhaxeeyay Soomaaliya.

Ottawa May 15,2013(SDN)-Galinkii danbe maalintii Taladada dowlada wadanka Canada waxa ay shaacisay dib u soo celinta xirirkeedi diblomaasiyaded ay Somalia la laheyd tan iyo mudadii dagaalka sukeeye uu ka dhacay Somalia.

Kulan gaba gaba ah oo ay wada qaaten wakilka xoghayaha guud ee Qm arimaha Somalia u qaabilsan Ogastiin Mahiiga iyo wasiirka arimaha dibada wadanka Canada,ayaa wasiirka arimaha dibada wadanka Canada John Berid waxa uu magacaabay wakilka ugu sareya dowlada Canada ee wadanka Kenya Devid Angal uu noqon doono safiirka cusub ee dowlada Canada ugu qaabilsan Somalia.

Canada ayaan muujinin in ay doonayso in ay safarad ka furato Somalia.

Xukuumada Canada ayaa war saxafaded ay soo saartay ku sheegtay in Mr. Berid iyo Mahiga in ay tusaale u yihiin dadaalka ay ku bixiyeen sidi Somalia marxalad wanagsan ay ugu soo gudbi laheyd iyo sida ay uga go,an tahay ka qeyb qaadshada dhismaha wadanka Somalia.

Canada aya waxa ay marti galisay jaaliyad somaliyeed oo saraakisha wadankaasi ay ku qiyaasen 170-kun oo qof.

Comments are closed