|

Ruushka Oo Xiray Dad Uu ku eedeyay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka Maraykanka

Moscow May 15 2013 (SDN)– Ciidamada Amaanka Magaalada Moscow ee dalka Ruuska ayaa Riray Diblomaasi ka shaqeynayay safaarada Maraykanka ee dalka Ruuska kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay CIA Maraykanka.

Saraakiil ka tirsan Moscow ayaa warbaahinta u sheegay in Ninka laxiray oo lagu magacaabo Ryan Fogle uu u joogay dalka Ruushka in Maraykanka uu u qoro muwaadiniin Ruush ah oo la shaqeeya Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Ruuska ayaa maanta la filayaa in ay la kulanto safiirka Maraykanka u fadhiya Moscow Michael McFaul kaasi oo ay u sharxi doonaan sida wax u jiran.

SDN–Moscow

Comments are closed