|

Madaxweynaha Nigeria oo xaalad deg deg ah galiyay qaar kami dah Gobolada dalkaasi

Legos May 15 2013 (SDN)–  Madaxweynaha dalka Nigerian Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo ragayo 3-gobol oo ku yaalla dalkaasi kuwaasi oo ay ku soo bateen dagaalka kooxda Boko Xaram ay fulineyso.

Goodluck Jonathan ayaa sheegay in gobolada xaalada deg degaha lagu soo ragay ay kala yihiin Borno, Adamawa iyo Yobe, waxaana uu ciidamada Amaanka dalkaasi ugu baaqay in ay sameeyaan talaabo kasta oo muhiim ah oo looga hortagayo kooxda Boko Xaram.

Mr Jonathan ayaa sidoo kale Amar ku bixiyay in ciidamo kale oo dheeraad ah loo diro gobolada Waqooyi Bari dalkaasi halkaasi oo ay sidoo kale Kooxdan weeraro ka fuliso.

Dad ka badan 2-kun oo ruux ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen dagaalada iyo qarayada dalkaasi ka dhacaya tan iyo 2010.

SDN-Leegos

Comments are closed