|

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Doorka Dhalinyarada,Xuska 18 May,La Macaamilka Dunida ee Somaliland iyo arrimo kale {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.May (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo madashaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay doorka dhalinyaradu ku leedahay Horumarka Wadanka,iyo Kaalintii ay ku lahaayeen Halgankii dib u xoraynta Wadanka .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu hadalkan ka jeediyay kulan is Xog waraysi ah oo dhex maray Isaga,Xukuumadiisa iyo Ardayda Jaamacadaha dalka oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimada Hargaysa .

Madaxweynuhu waxa uu Xusay in aynu isu diyaarinayno Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada madax banaanid Jamhuuriyada Somaliland isagoo intaas ku daray in Caalamku uu sifo dawladnimo ula macaamilo Jamhuuriyada Somaliland.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ardaydaj.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed