|

“Laga bilaabo shanta bisha todobaad ee sanadkan Somaliland waxa ay si rasmi ah u maamulan doontaa hawadeeada, waxaana dib loogala soo noqon doonaa dhamaan waxii arintaas khuseeyey ee hay’adda UNDP u qaabilsanayd Somaliland” Wasiirka Duulista iyo Hawada {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.May (SDN) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in laga bilaabo maalinta berito ee Arbacada dhamaan duulimaadada qaramada midoobay aanay ka soo degi Karin madaarada Somaliland, diyaaradaha hadda fadhiyaana aanay ka duuli Karin, hawada Somaliland-na aan laga maamuli doonin Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada e JSL Md Maxamuud Xaashi cabdi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Madaarka Magaalada Hargaysa ayaa  sheegay in xukuumadda Somaliland ay jawaab cad ka bixinayso arimo maalintii shalay ku soo kordhay maamulida duulimaadada hawada ee Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan hawada Somaliland iyo Somalia.

Md xaashi waxa uu sheegay in wasiirka duulimaadka u qaabilsan dalka Somalia uu maalintii shalay warbaahinta u sheegay inay la wareegeen maamulka hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia, maamulkaas oo gacanta ugu jiray Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 1993-kii. Iyadoo xafiiska xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ay haysteen ogolaanshaha maamulidda taraafiga hawada Somaliland iyo Somalia, taageerana ka gaysanayaan dhinacyada duulimaadada diyaaradaha iyo soo cago dhigashadooda.

Wasiirka Duulista Somaliland waxa uu cadeeyey in Somaliland aanay wax weyn ku qabin cashuuraha uu xafiiskaasi qaado ee ka soo xerooda duulimaadada isticmaalaya hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia, iyadoo ay afartan ruux oo shaqaale ah oo keliya ahi ka helaan mushaharooyin xafiiskaasi, xilli ay ay sanad walba dakhliga xafiiskaas hawada maamulaa uu soo xareeyo uu gaadho inta u dhexaysa lix milyan ilaa toban milyan oo dollar.

Tabashooyin badan oo ay Somaliland iyo DKMG ee Somaliyaba ay ka soo jeediyeen hanaankii uu xafiiskaasi u shaqaynayey darteed  ayaa keentay in bishii May 2011 la sameeyo guddiyo maamul oo wada jir ah oo xubnihiisu ka kala yimaadeen Somaliland, Somalia iyo Qaramada midoobay, hase yeeshee kormeer iyo hantidhowr lagu sameeyey mashruucaasi bishii Novembar ee isla sanadkaasi waxaa ka soo baxday natiijo muujinaysa in mashruucaasi aanu xaqiijinayn himiladii laga lahaa ayna lama huraan tahay in sidii wax ku socdeen la bedelo. Sida uu shir jaraa’idkiisa ku sheegay wasiirka Duulista Somaliland.

Dhanka kalena Md maxamuud xaashi waxa uu caddeeyey in dhawaaqii maalintii shalay ka soo yeedhay wasiirka duulista ee Somalia uu yahay mid ka hor imanaya dhamaan heshiisyadii noo dhexeeyey anagga Somaliland iyo dhinacyada kale ee ay ka mid yahiin UNDP iyo dawlada Somalia, xilli uu sidoo kale  wasiirku ku sifeeyey dhawaaqaas mid meesha ka saaraya niyad samidii lagu doonayey in qaab wadahadal lagu dhameeyo dhibaatooyinki u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia isla markaana horseedi kara ifafaalo xun, meel ka dhacna ku ah qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland,

Md xaashi waxa uu adkeeyey in go’aanka noocaas ah ee maamulidda hawada Somaliland loogu gacan gelinayo Dalka Somalia uu yahay gef balaadhan oo ay hay’adda UNDP ka gashay umadda Somaliland.

Wasiirka Duulista Somaliland Md maxamuud Xaashi cabdi oo ku hadlayey magaca Xukuumadda Somaliland waxa uu sheegay in haba yaraatee aanay aqbali doonin dhawaaqa shalay ka soo baxay wasaaradda Duulista ee Somalia, dawladda somaliyana aanay awood sharci iyo mid kale toona u lahayn inay hawada Somaliland ka maamusho meel kale.

Gebagebadii shir jaraa’idkiisa waxa uu wasiirka Duulista Somaliland ku soo bandhigay go’aamo khuseeya hawada Somaliland iyo maamulideeda kuwaasoo kala ah:

  1. 1.  Laga bilaabo shanta bisha todobaad  ee sanadkan Somaliland waxa ay si rasmi ah u maamulan doontaa hawadeeada, waxaana dib loogala soo noqon doonaa dhamaan waxii arintaas khuseeyey ee hay’adda UNDP u qaabilsanayd Somaliland.
  2. 2.  Somaliland waxa ay ku cambaaraynaysaa hay’adda UNDP dhexdhexaadnimo la’aanta ay ka samaysay waxii ay gacanta ku haysay. Sidoo kalena Laga bilaabo maalinta berito ee 15 bishan May Wasaaradda Duulista Somaliland waxa ay   mamnuucday Duulimaadada Qaramada midoobay, kamana soo degi karaan garoomada dalka Somaliland, isla markaana diyaaradaha fadhiya ee qaramada midoobay kama duuli karaan.
  3. 3.  Laga bilaabo bisha Lixaad  Somaliland waxa ay la macaamili doontaa dhamaan diyaaradaha isticmaala hawadeeda iyadoo si toos ah uga qaadan doonta cashuuraha ku waajibay, iyadoo Somaliland ay hay’adda UNDP kala xisaabtami doonto waxii dakhli ahaa ee ay hore u haysay ee ka soo xerooday hawooyinka Somaliland iyo Somalia.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Goaankiiduulista(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed