|

Madaweyne Obama iyo R/wasaare Cameron oo kawada hadlay Arrimaha dalka Syria

Washington May 14 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul wasaare David Cameron ay isku raaceen in la kordhiyo cadaadiska la saarayo Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad si uu xilka isaga dago.

Obama iyo Cameron oo markii uu soo dhamaaday kulankooda ku la hadlay saaxaafada Magaalada Washington ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Ruushka ay isku raaceen in dalka Syria loo sameeyo dowladda KMG ah oo uusan ku jirin Madaxweyne Assad.

Colaada ka soconeysa Syria ayaa sii xoogeysaneysa iyadoo Madaxweynaha dalka Syria Bishar Al Assad iyo Mucaaradkuba ay wali ku adkeysanayo in ay siiwadaan  dagaalka Syria oo ay ku geeriyoodeen dad badan.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa dagaalada iyo colaadaha ka soconaya Syria in ay ku geeriyoodeen dad kabadan 70-kun oo ruux kuwaasi oo u badan dad Rayid ah.

SDN-Washington 

Comments are closed