|

Nin Soomaali ah oo Maxkamad Mareykan ahi ku heshay in uu Shabaab ka Barbar Dagaalamay

Minneapolis May 14,2013(SDN)-Nin hore uga mid ahaa dagaalyahanada kooxda Al Shabaab ayaa ay maxkamad Mareykanka ku talaahi ay ku riday xukun dheer.

Maxkamadan oo ku taal magaalada Minneapolis ayaa mudaba haatan degeysaneysay dacwado ka dhan ahaa rag Soomaaliya hore u tegay oo Shabaabka ku biiray.

Kamaal Siciid Xasan ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu la tababartay kooxda Al Shabaab isla markaana uu ka qeyb qaatay weerar ciidamada Itoobiya Shababaku hore ugu qaadeen.

Denbga ninkan lagu helay ayaa uu ku muteysan karayay 38 sandood oo xarig ah,balse bacdamaa uu Mareykanka gacan siiyaymaxkamadeynta rag kale oo Shabaabka ku biiray,waxa uu xabsiga ku jirayaa uun 10 sanadood.

Kamaal Siciid oo 28 jir ah ayaa waxa uu ka mid ahaa dhalinyaro labaatameeyo ah oo Soomaaliya u tegay si ay uga barbar dagaalamaan kooxda Al Shabaab.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed