War deg dega: Wasiirka warfaafinta Somaliland Oo Si ka baxsan anshaxa Mas’uuliyadeed uga Jawaabay Su’aal uu Weriye ka Weydiiyay Idaacada
Hargaysa 13May13(SDN)Wasiirka Wasaarada warfaafinta Mudane Abiib Nuur Diiriye oo shir jaraaid ku qabtay xaruntiisa Caasimada Hargaysa kaas oo uu si ba’an ugu dhaliilayay Kulankii uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Enginer Faysal Cali Waraabe la Yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sh,Maxamud ayaa Mid ka Mid ah Warfidiyeenadii ka qayb galay Waxa uu Wasiirka Su’aalay Sababta uu uga Hadli Waayay Idaacada Radio Hargaysa oo Mudooyinkii u danbeeyay Hawada ka Maqnayd .
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta oo ay Wejigiisa ka Muuqatay Cadho Xoogan ayaa kaga Jawaabay si ka baxsan Milgaha Wasiirnimo Waxaanu Yidhi “Been Cad ayaad Sheegaysaa ee Khadaroow “Mid ka Mid ah Weriyayaasha Idaacada” gee oo Soo Tus Idaacada uu leeyahay way Xumaatay”
Si kastaba ha ahaatee Warar lagu Kalsoon yahay ayaa Qurbejoog.com u xaqiijiyay in Warlaliyaha Idaacada Radio Hargaysa oo Mudo laba Todobaad ku dhow hawada ka Maqnayd balse ay Hagaajiyeen Engineero ka socday Shirkadii laga soo iibsaday Isla markaana ay awoodeedu tahay 100 Kilo Wat ayaa Maanta hawada la Geliyay Awood dhan 30 Kwt taas oo ay hore u isticimaali jirtay 80 Kilo wat .
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com