|

Islaamiyiinta Masar oo xoojinaya gacan ku hayntooda Dalka Masar

Qahira May 10,2013(SDN)-Wargayska Wall streat Journal ee ka soo baxa dalka maraykanka ayaa todobaadkan dhamaadkiisii warbixin ka qoray wax uu wargaysku ku tilmaamay in kooxaha  islaamiyiinta ahi ay sii xoojinayaan gacan ku haynta xukunka dawladda dalka masar, isla markaana madaxweyne Maxamed Mursi uu doonayo inuu dusha ka maamulo garsoorka wadanka.

wargayska oo ka hadlayey isku shaandhaynta cusub ee  lagu sameeyey golihii xukuumadda ee dalku lahaa ayaa talaabadaas ku tilmaamay mid ay islamiyiintu ku doonayaan inay ku sii adkaystaan awoodooda maadaama inta badan wasaaradihii waaweynaa loo dhiibay siyaasiyiin ka soo jeeda kooxda ikhwaamul muslimiinta, taasina ay sii kordhin doonto shakiga ay mucaaradku ka qabaan hogaaminta Madaxweyne mursi.

((Mucaaradku waxay intii muddo ahaydba ka dalbanayeen Madaxweynaha inuu dhiso xukuumad metesha dhamaan qaybaha bulshada masar ayna si dhamaystiran uga dhex muuqdaan siyasiyiinta libaraaliyiinta ah, kuwa mowqifkoodu dhexdhexaadka yahay, Qibdiyiinta iyo weliba haweenka)) sidaa waxaa lagu yidhi warbixinta wargayska maraykanka ah ee Wall Streat Journal oo sidoo kale baahiyey in aan haba yaraatee golaha wasiirada ee Cusub lagu soo darin wax haween ah.

SDN-Qahira

 

Comments are closed