wargayska yuoum saabic ee ka soo baxa magaalada Qaahira ayaa maalintii arbacad ee Todobaadkan waxa uu daabacay daraasad uu sameeyey ku sheegay in Carabtu ku badaneyso Qudus
Qahira May 10,2013(SDN)-Machad dhinaca daraasadaha ah oo lagu magacaabo OORSHILAM kuna yaalla dalka Israa’iil kaasoo daraasadiisan cusub ku sheegay in sanad walba ay sii yaraanayso Tirada dadka yuhuudda ah ee ku nool magaalada Qudus, xilli ay soo kordhayaan dadka carabta ah ee magaaladaas deegaanka u ah.
Daraasadu waxay iftiiminaysaa in xiligan ay yuhuuddu 64% ka tahay dadka degan magaalada Qudus, halka ay carabtuna ka yihiin 36% iyadoo xiliyada qaarkood ay yuhuuddu 100% ahayd dadka degan magaaladas, tanina ay tahay mid cadaynaysa in tirada dadka carabta ee magaaladaas degayaa ay sanadba ka xiga soo kordhayso, dhanka kalena ay tirada dadka yuhuudda ee magaalda quds deegaanka ku ahi ay sii yaraanayso.
Wargayska reer Masar waxa uu warbixintiisa ku daray in badanaa dhalinyarada yuhuudda ahi ay ka tegayaan magaalada Quds marka la dhinac dhigo dadka kale sida waayeelka iyo caruurta, iyadoo daraasad tan la mid ah oo mac-hadkani sameeyey sanadkii 2011 ay tilmaantay in tirada dadka ku nool magaalada Quds ay gaadhaysay 804 kun oo ruux, taasoo ka dhigaysa tobankii ruux ee kasta uu mid ka mid ahi yahay Falastiini reer Qudus ah.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com