|

Dawlada Qadar oo Aduun Faro badan ugu deeqday Soomaaliya

London May 10,2013(SDN)-Dawlada Qadar oo ka qeyb gashay shirkii Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Britain ayaa yaboh lacageed ka sheegtay gunaandkii shirka.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibedda ee dalka Qadar Dr. Khalid Bin Mohamed Al Attiyah ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu ku sheegay in dawladiisu ay Soomaaliya ugu deeqday Aduun dhan $180 million.

Lacagtan ayay dawlada Qadar u qoondesay qorshe ay ugu yeedhay sadeda Tiir oo diirada lagu saarayo Maamulka,cafiifaadka,waxbarashada iyo dib u dhiska.

Wasiirka ayaa sheegay in gacan qabadkani uu qeyb ka yahay sidii walaalohooda Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Shirka London ee Soomaaliya ayaa waxa ka soo qeybgalay in ka badan 50 dal oo yabooh u sameeyay dawlada Soomaaliya qorsheheeda ay dib ugu habeyneyso heyadaha dawliga ah.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed