|

Laanta Socdaalka Somaliland oo Sheegtay inaan Basaboorka Somaliland loo diri karin Qof dalka ka baxsan {DHAGAYSO}

Hargeysa 09.May (SDN)- Taliye ku xigeenka Hay’adda Socdaalka Somaliland Maxamed saleebaan Xasan ayaa maanta ka hadlay warar ay warbaahinta qaarkeed wax ka qoreen oo ku saabsan in Baasaboorka Somaliland loo diray dad dalka dibadiisa ku sugan oo tahriibayaal ah.

Md Saleebaan waxa uu sheegay in baasaboorka Somaliland bixintiisu ay leedahay shuruudo iyo talaabooyin adag oo lagama maarmaan ah in la buuxiyo ka hor inta aan la samaynin baasaboor qof leeyahay, taasina ay caddayn u tahay in haba yaraatee aan baasaboor loo diri Karin qof dal kale jooga, xilli ay shuruucda baasaboorka ka mid tahay in hay’addu ay gacanta ka saarto muwaadinkii loo sameeyey.

Dhanka kalena taliye ku xigeenku waxa uu sheegay in hay’ad ahaan ay ka hawlgalaan xuduudaha dalka iyadoo ay ku sugan yahiin shaqaale ka socda labada waaxood ee hay’adda socdaalka oo kala ah Waaxda socdaalka iyo waaxda Sirdo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Taliyexigeen09.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed