|

Maareeyaha Madbacada Qaranka oo Jawaab ka bixiyay War uu ka baahiyay Wargayska Hubaal

Hargaysa 09.May (SDN)  Maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka  Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac ayaa manta ka hadlay warar uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo manta lagu baahiyey Wargayska Hubaal, cadadkiisii 237 ee soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 9.May.2013

Maareeyaha guud  ee Madbacadda Qaranku waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay wararka wargayskaasi qoray ee sheegaya in musuqmaasuq ka jiro madbacadda Qaranka, hase yeeshee ay jiraan waraaqo shan ah oo kuwa cashuuraha ah oo ka baxay madbacadda gudaheeda waraaqahaas oo maareeyuhu ku sheegay kuwo aanay kala cadayn Karin in meel ka baxsan madbacadda qaranka lagu daabacay iyo in meel kale lagu soo daabacay, xiligana uu socdo baadhitaankii arintaasi ku saabsanaa,

Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in hantidhowr-ku si kediso ah ku soo galay xarunta madbacadda isla markaana ay hadda baadhitaan ku hayaan mid ka mid ah shaqaalahii madbacadda oo u xidhan.

Maareeyaha madbacaddu waxa uu tilmaamay in ay tahay arin aan haba yaraatee waxba ka jirin qaabka uu wargayska hubaal wax u qoray, nasiib darro-na ay tahay in warbaahinta dalku leeyahay qaarkeed ay dhinac maraan anshaxii iyo xeerarkii shaqo ee ay saxaafaddu lahayd isla markaana baahiyaan warar noocaas oo kale ah.

Dhanka kalena maareeyaha Madbacadda qaranku waxa uu u mahadceliyey wargaysyada kala ah Waaheen iyo dawan oo uu ku sifeeyey inay si xaqiiqo ah uga warameen dhacdada ku saabsan Madbacadda qaranka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed