|

Xisbiga UCID oo canbaareeyay Qorshe Diiwaan gelin ah oo ay wado Wasaarada Arrimaha Gudaha

Hargeysa May 09,2013(SDN)-Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la socodsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland  arimahan hoos ku qoran :-

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Xafiiska Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID,waxay  cadeynayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha  Somaliland  ay qorshaynayso in ay samayso Diiwaan gelin Qarsoodi ah,taas oo ay si hoose u waday Wasaaradu in mudo ah.

Sida wararkani cadeynayaan Diiwaan gelintan  qarsoodiga ah ee ay Xukuumadu wado,waxaa loogu tala galay in hadhow loo isticmaalo,Diiwaangelin Doorashooyinka lagu galo, xukuumadu ay ku doodo,in aan dhaqaale loo haynin Diiwaan gelin kale.

Warar si hoose uga soo baxay xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland,waxay cadeeyeen in aanay Xukuumadu ,haba yaraatee doonaynin in la sameeyo Diwaangelin  rasmi ah,oo Doorashooyinka lagu galo,ilaa haddana aanay jirin wax  talaabo ah oo loo qaaday sidii  Diiwaangelinta loo samayn lahaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,wuxuu si cad Golaha Wakiilada  uga hor sheegay in Wasaarada arimaha Gudaha ay wado Diwaan gelin u gaar ah,xeer u fasaxaya uu jiro,balse arintu intaa ka sii qoto dheertahay.

Haddaba  Xafiiska Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID,markuu arkay arimaha kor ku xusan,baadhis dheerna ku sameeyey arimahaas Diiwaangelinta ,waxaa u cadaatay, xaqiiqsaday in ay jiraan dano gaar oo ay Xukuumadu ka leedahay Diwaan gelinta ay wada Wasaradeeda Arimaha Gudaha,ka dibna waxaanu cadeynaynaa :-

1.     In Xisbiga UCID uu si buuxda u qaadacayo Diiwaan gelin kasta oo aan laga talo gelin Xisbi ahaan,Diiwaangelin kasta oo aanu Xisbiga UCID,goob joogayaal ku lahayna ,wuxuu u arkaa in ay  xaaran  tahay,mana aqoonsan doono.

2.     Xisbiga UCID ,wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Guddiga Doorashooyinka ,Xukuumada,Golayaasha,shacabka reer Somaliland  gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba  in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo  dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta.

3.     Xukuumada ,gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha waxaanu uga digaynaa in ay sii wado  Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado,taas oo aanu u aragno in  ay tahay Diiwaangelin loo  adeegsanayo dano gaar ah.

4.     Shacabka reer Somaliland way ka wada dheregsan yihiin,dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii ugu horeysay ee ay qabato Xukuumada hadda jirtaa,welina aan wax xal ah loo helin.Haddaba waxaanu qabnaa Xisbi ahaan in Diwaangelintaa qarsoodiga ah ee ay wado Xukuumadu ,gaar ahaan  Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka dhalan karaan dhibaatooyin  cusub,oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin,sidaa darteed waxaa haboon in la joojiyo,oo aan la sii wadin ilaa laga wada tashado mucaarid iyo muxaafidba.

ALLAA                   MAHAD                 LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

Comments are closed