Bangladesh: Dab ka kacay wershad dharka farsamaysa oo khasaare sababay, xilli dhimashada burburkii dhismaha wershaddu garaacayso 800 qof
DHAKA, May 9 (SDN/Xinhua)—8 qof ayaa ku dhintay, toban kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay wershad ku taala caasimadda Bangladesh ee Dhaka, siday masuuliyiinta Booliska iyo kuwa la-dagaalanka dabku sheegeen xilli hore oo Khamiista maanta ah.
Sida uu wakaalda wararka ee Xinhua u sheegay ku-xigeenka adeegga Dabka Bhan Sarker, dabku wuxuu ka kacay meel u dhow wershada dharka farsamaysa ee Tun Hai, abaaro 11p.m ee xalay.
Mr. Sarkar wuxuu sheegay inay tiro dad ah ka samata-bixiyeen dhismaha, isla markaana ay u daad-gureeyeen cusbataalada.
Sida Boolisku sheegay, mid ka mida ku-xigeenada baadheyaasha guud ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay mashaqadaas.
Xinhua waxay sheegtay in adeegga Dabku aanu weli xaqiijin sababta dhabta ah ee keentay kicitaanka dabkaas, inkastoo badi shilalka dabka ee Bangladesh ay sababaan cidhiidhi wershadaha dharka farsameeya.
Dalka Bangladesh wuxuu ka mid yahay kuwa caalamka ee safka hore kaga jira dhoofinta wershadaynta dharka, iyadoo ilaa 4 milyan oo qof ka shaqeeyaan wershaddahaas.
Ilaa 800 boqol oo qof ayaa ku dhintay burburka dhismaha wershad ku taalay dalkaas, kadib markii todobaadkii hore uu dumay dhisme wayn oo ay ku jirtay.
Qurbejoog.com, Dhaka