Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA oo cambaarayn iyo baaq ka soosaaray weerar Ceerigaabo loogu geystay xubin ururkooda ka tirsan
Hargeysa May, 09 2013 (SDN)- Guddoomiyaha ururkada Qareenada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar todobaadkan gudaha magaalada Ceerigaabo loogu geystay garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo ka tirsan ururkooda.
Qoraal uu xalay magaalada Hargeysa ka soosaaray guddoomiyaha SOLLA garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis, wuxuu ku sheegay ururkoodu ku baaqayo in si degdeg ah sharciga loo horgeeyo kuwii fuliyay weerarkaa lagu qaaday, laguna dhaawacay garyaqaan Cali Siciid oo ururkooda u qaabilsan gobolka Sanaag, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Anigoo ku hadlaaya afka Ururka Qareenada Somaliland, waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii budhcadnimada ahaa ee lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo ah Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland ahna Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Gobolka Sanaag, Qareenkaas oo Taariikhdu markay ahayd 07/05/2013 Maalintii Salaasada abaaro 11:00 Am isagoo gudanaaya shaqo-maalmeedkiisii caadiga ahaa ay niman ku hubaysan Budad Iyo Bakoorado ay weerar ku soo qaadeen uguna gaysteen dhaawacyo culus, ka dib markii ay la boobeen Budadka iyo Bakooradaha ay ku hubaysnaayeen.
Ma jirto sabab maan-gal ah oo sababtay weerarkan ay budhcadu kula kacday Qareenka, waxaanu se ka war qabnaa in budhcadani weerartay Maxakamada kana sameeyeen rabash iyo qalalaase isla maalinta ay Qareenka weerareen.
Sidaa daraadeed, Ururka Qareenada Somaliland wuxuu halkan ku cadaynayaa inuu aad uga xunyahay falka budhcadnimada ah ee Qareenka lagula kacay, waxaanu cambaaraynaa cidii fulisay falkaas iyo cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi. Waxa uu sidoo kale Ururka Qareenada Somaliland si adag uga dalbanayaa hay’ada dawlada ee ay arintani qusayso in ay degdeg uga hawlgalaan lana horkeeno Maxkamada awooda u leh cidii fulisay falkaasi, lagana qaado talaabada sharci ee ay mutaystaan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa