Shirkada Telosom oo wax ka bedel ku sameysay Furaha Telephonada
Hargeysa May 09,2013(SDN)-Shirkada Isgaarsiinta ee Telsom ayaa haatan hirgelisay koror ay ku sameysay tirsiyada Telephonada Gacanta ee macaamiisheeda ka dib wacyi gelin kooban oo ay sameysay.
Kororka Numbarada ayaa saameynaya dhamaan macaamisha Telesom ee Somaliland,mana cada sababha dhabta ah ee ka danbeeyay kordhinda.
Macaamiisha ayaa iminka wixii ka danbeeya 063 ka horeysiin doona numbaradii hore.
Tusaale ahaan hadii aad hore u araaci jirtay 4060807 iminka waxaad garaaceysaa 0634060807.
Waxa loo aaneynaya kordhita numbarada telephonada tirada oo numbarada oo soo koobmay iyo goaamo ka yimi dawlada Soomaaliya oo dib u habeyn ku sameysay fureyaasha telephonada.
Shirkada kale ee iyana isgaarsiinta ee Somtel ayaa iyana lagu wadaa in ay kororkan u soo bandhigto macaamiisheeda dalka.
Isbedelka ayaa khubaradu sheegeen in ay keeni kareyso kharashaad dheri ah,mana cada cida cida degta u ridan doonta kororkaasi.
Shirkada Telesom ayaan ilaa iyo haatan war ka bixin isbedelkan balse waxa lagu wadaa maanta in wada jir ay shirkada iyo wasaarada Bootaha iyo Isgaarsiinta Somaliland ula haladli doonaan warbaahinta dalka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com