|

Dawladaha IGAD Shirka London uga Qeybgalay Danahooda Gaarka ah

London May 09,2013(SDN)-Shirkii London Loogu qabtay Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 dal ayaa waxa dalalkaa ka mid ahaa dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ee sida weyn faraha ugula jira arrimha Soomaaliya.

Dalalkan oo ay ka mid yihiin Jabuuti,Kenya,Itoobiya iyo Ugaandha ayaa gebigooda waxa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Dalalka ayaan hadii reer galbeedku aaney Aduun ku bixineyn aan ciidamo u direen Soomaaliya.

Waana sababataa ta ay madaxweyneyaasha afartan wadan ay shirka Soomaaliya ee London uga qeybgaleen labdii goor ee la qabtayba.

Deeqaha Soomaaliya loogu yabooho ayaa intooda badani waxa ay u kala baxaan laba nooc oo kala ah mid amniga lagu sugayo iyo mid dhanka gargaarka ah.

Aduunka reer galbeedku u qoondeeyaan Amniga Soomaaliya ayaa intiisa badan gala dalalkan ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya.

In madaxdadalalka IGAD ee ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya shirka lagu casuumo wax ay ka dhigneyd uun isha ku heynta danahooda Soomaaliya.

Ugama qeybgelin shirka in Soomaaliya ay yabooh siiyaan waxa se ay uga qeyb galeen in reer galbeedka ay u sharaxaan kharashaad dheeri ah in ay u baahan yihiin si ay hawlgalada u sii wadaan.

si kastaba ha ahaatee qodobada shirka aka soo baxay ayaa u badan qaar caalamku hore u shaaciyay.

 

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed