|

Ururka Qareenada Somaliland oo Canbaareeyay Fal lagu dhaawacay Mid ka mid ah Qareenada Gobolka Sanaag

Hargaysa 08.May (SDN) Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Garaqaan Fowsi sh.Yoonis Hassanayaa Qoraal uu Soo saaray Waxa uu ku Canbaareeyay Falkii Maalintii Shalay lagu dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac kaas oo ka dhacay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Qoraalka uu Soo Saaray Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ayaa u dhignaa Sidan:- Anigoo ku hadlaaya afka Ururka Qareenada Somaliland, waxaan halkan ku  canbaaraynayaa  falkii budhcadnimada ahaa ee lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo ah Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland ahna Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Gobolka Sanaag, Qareenkaas oo Taariikhdu markay ahayd 07/05/2013 Maalintii Salaasada abaaro 11:00 Am isagoo gudanaaya shaqo-maalmeedkiisii caadiga ahaa ay niman ku hubaysan Budad Iyo Bakoorado ay weerar ku soo qaadeen uguna gaysteen dhaawacyo culus, ka dib markii ay la boobeen Budadka iyo Bakooradaha ay ku hubaysnaayeen. Ma jirto sabab maan-gal ah oo sababtay  weerarkan ay budhcadu kula kacday Qareenka, waxaanu se ka war qabnaa in budhcadani weerartay Maxakamada kana sameeyeen rabash iyo qalalaase isla maalinta ay Qareenka weerareen.

sidaa daraadeed, Ururka Qareenada Somaliland wuxuu halkan ku cadaynayaa in uu aad uga xunyahay falka budhcadnimada ah ee Qareenka lagula kacay, waxaanu canbaaraynaa cidii fulisay falkaas iyo cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi. Waxa uu sidoo kale Ururka Qareenada Somaliland si adag uga dalbanayaa Haayada Dawlada ee ay arintani qusayso in ay degdeg uga hawl galaan lana horkeeno Maxakamada awooda u leh cidii fulisay falkaasi lagana qaado talaabada Sharci ee ay mutaystaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed