|

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo u Kicitimay Qaarada Yurub

Berbera 08.May (SDN)  Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta u kicitimay Qaarada Yurub,Gaar ahaan Wadanka Ingiriiska  oo uu kaga qayb gali doono Xuska 18 May ee 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland Madax banaanideeda la soo Noqotay .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka ambo baxay Madaarka Magaalada Berbera ayaa Saxaafada hadal uu ku  Siiyay Madaarka Berbera waxa uu xusay inuu Safarkiisani salka ku hayo Sidii uu Jaaliyada Somaliland ugala Qayb qaadan lahaa Dabaal Dega Munaasibada Qaran ee 18 May.

Mudane Saylici waxa uu Guud ahaan Shacbiga Somaliland kula dardaarmay in iyagoo isku duuban ay Cod Midaysan iyo dareen isku mid ah ku qaabilaan 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland isagoo intaas ku daray in Wada Jirkeenu uu yahay dhabaha aynu horumarka ku haybsanayno.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed