|

Wasiirka Caafimaadka oo Sii Sagootiyay Dhakhaatiir Hawlo qaliino ah ka fuliyay Somaliland

Hargaysa 03.May (SDN)  Wasiirka caafimaadka oo uu weheliyo gudoomiyaha maamul wanaaga  ayaa ka qayb galay xaflad lagu sii sagootiyaayey dhakhaatiirtii qaliinka lafaha ee “Australian Doctors For Africa” kuwaasi oo ka fuliyey cusbitaalka Hargeysa  qaliino iyo daaweyn kala duwan.

Dhakhaatiirtaasi oo mudadii ay hawsha wadeen ,waxay qaliin  iyo daaweyn ku sameeyeyeen  dad gaadhaya 330 ruux. wakaalada wararka ee Solna ,      Xafladaasi oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa  , waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay wasiirka caafimaadka Xuseen Maxamuud Maxamed  (Xuseen Xoog) , waxaanu mahadnaq  usoo jeediyey dhakhaatiirta ajaanibka ah ee hawshan fulisay  iyo gudida cusbitaalka iyo hawlwadeenada caafimaadku  doorkii weynaa ee ay ka qaateen fududeynta hawshaasi , sidoo kale ,wasiirku waxaa uu mahadnaq ujeediyey hay’adda Taakulo gacan ka gaysatay socodsiinta hawshaasi, .

Mudane Xuseen Xoog waxaa kale oo uu sheegay in aanay ahayen markii ugu horeysay ee dhakhaatiirtani ay dalka yimaadaan , balse ay tiraba afar jeer ay hawlo kuwan oo kale ah ay dalka ka fuliyey, waxaanu gudoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ay ku mutaysteen sidii halkarnimada aheyd ee ay shaqada u qabteen.

Dhinaca kale, waxaa isana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha maamul wanaaga axmed Muxumed Madar ,waxaanu dhakhaatiirtasi uga mahad naqay sidii ay u caawiyeen dadkii dhibaateysnaa ee reer Somaliland.

Ugu dmbeyntii waxaa halkaasi hadalo mahadnaq ah iyo sogootis iskugu jira  ka jeediyey agaasiimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr.Axmed Xaaji Cumar askar iyo madaxa hay’adda Taakulo Mr. Cumar Jaamac .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed