Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiilada Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Waraysi Ay Idaacadda BBC-sidu La Yeelatay Nin Hore Wariye Uga Ahaa.
HargeysaMay03, 2013 (SDN)Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalkaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa fidmo abuur iyo hadal siyaasadeed oo loo soo dhiibay ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay C/Raxmaan Caynte oo ah mulkiilaha shabakadda Hiiraan Online ee dalka Soomaaliya oo waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in gobolo ka mid ah Somaliland dagaalo ka socdaan.
Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Wakiiladdu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu si adag u naqdiyay hadalka ka soo yeedhay C/Raxmaan Caynte oo isku magacaabay cilmi baadhe ka tallo bixinaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxaan saaka dhagaystay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da waxay waraysanaysay nin la yidhaahdo C/Raxmaan Caynte oo isku magacaabay inuu yahay cilmi baadhe oo Muqdisho ka hadlayay waxaan aad ula yaabay wixii uu ku hadlayay iyo fidmadii uu ka dhex abuurayay dalka Somaliland iyo diidmada uu diidan yahay in wada hadaladda (Somaliland Iyo Soomaaliya) ay sii socdaan.”
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay inuu la yaabay sababta C/Raxmaan Caynte looga dhigay nin tallo ka bixin kara Arrimaha Somaliland Iyo Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan la yaabay waxa weeye BBC-da oo si fiican u taqaana C/Raxmaan Caynte taariikhdiisa markii uu BBC-da joogay iyo markii uu VOA-da Joogayba ku hadli jiray hadalo ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland, sababta loo waraystay ee looga dhigayo nin tallo ka bixin kara Arrimaha Somaliland Iyo Soomaaliya, waana taas waxaan shirka jaraa’id u qabtay maanta.”
“Anigu ma aqaano cida tallada weydiisataye’ waxa uu yidhi Somaliland waxa ka socda dagaalo gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Awdal-ba. Sidaas darteed, waa in Somaliland la heshiisaa nimanka ka soo horjeeda inta aanay bilaabmin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya yeelan doonaan. Waxaan leeyahay Somaliland wax dagaal ah oo ka socdaa ma jiraan. Waxa jira dad aan siyaasadda Somaliland ogolayn, laakiin wax dagaal ah oo socdaa ma jiro,”ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu Mr. Caynte ku tilmaamay inuu abuurayo fidmo, waxaanu yidhi “Waxa uu abuurayaa fidmo, wixiisuna cilmi baadhis may ahayne. Waxaan u malaynayaa inay ahayd hadalo loo soo dhiibay. Waxaanan u qaadanay inuu ka mid yahay ragga ka soo horjeeda inay wada hadaladu sii socdaan.”
“Dadka Somaliland ka soo horjeedaa waa dad faro ku tiris ah, annaga ayaa matala, wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliyana way soconayaan,”ayuu intaas raaciyay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee wakiiladdu, waxaanu intaasi ku ladhay “Wuxuu Caynte u isticmaalay Somaliland Waqooyi, markaa uma aqoonsanin Cilmi baadhe ee waxaanu u aqoonsanaynaa inuu yahay nin ka soo horjeeda wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya inay sii socdaan.”
Hargaysa
qurbejoog.com