|

Caruurtii ugu badneyd ee Soomaaliyeed oo ku geeriyoodey Abaarihii 2010kii iyo masuul ka hadlay oon jirin

Muqdisho May 03,2013(SDN)-Abaarihii ba’anaa ee ka dilaacay dhulka Soomaaliyeed ayaa waxa ku dhintay in ka badan rubuc malyuun Soomaali ah oo kala bar yihiin Caruur da’adoodu ka hooseyso shan jir.

Sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay qortay hay’ada xiriirka gargaarka biniadamnimo ee Qaramada Midoobey.

Warbixinta ayaa muujisay in tirada dadkii ku geeriyooday abaarihii u danbeeyay ee macluusha isu rogay in ay ku dhinteen dad ka tiro badan kuwii ku geeriyooday abaarihii Soomaaliya ka dhacay horaantii sagaashamaadkii.

Ku dhawaad 250 kun oo caruur da’adoodu ka hooseyso shan jir ayaa ku dhintay abaarihii 2012kii dalka ka dilaacay.

Abaaraha ayaa kolkii danbe isu rogey Macluul baahday ka dib kolkii dagaaladii dalka ka socdey ay is hortaageen in gargaar lala gaaro dadkii ay cuno yaridu heysay.

Si kastaba ha ahaatee,waxa aan ilaa iyo hada la heyn masuul Soomaaliyeed halkuu doono h ajoogee oo ay dhibtay dhiilada ku xusan war bixinta QM.

Akhriste waxaad isweydiisaa dadka ku geeriyooday macluusha khaasatan ubada waxa ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku soo kordhin lahaayeen hadii aaney masiibadaasu ku habsan.

Ruuxna ma dhaafo xiligii loo qoray geerida,waxaase la yaab leh in dadkii ama masuuliyiinta ahaa ama kacdoonada waday in aaney ilaa iyo haatan wax dareen ah ka bixin dhacdadaa.

Waxaanad moodaa uun in saxaafada caalamka iyo ajaanibtu ay yihiin cida qura ee wax hadal heyn ihi ay ka soo yeerayaan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed