|

Nin Soomaali ah oo ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka oo Boston lagu feeray,maxey tahay Sababtu?(DAAWO)

Washingto May 02,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Boston ee dalka Mareykanka ayaa nin Daanka Feedh ku jebiyay ka dib kolkii labada nin ay dhex martay dood ku saaabsan Islamka.

Ninka Soomaaliga oo la yidhaahdo Maxamed Saalim ayaa Taxi ka magaalada iyo ninka feedhka ku dhuftay oo macaamiisha ka mid ahaa ayaa ka sheeko dhexmartay ka dib Somaliga aflagaado lagu bilaabay.

Maxamed ayaa ka mida ciidamada Mareykanka isla markaana ka soo dagaalamay dalka Ciraaq.

“waxaan nafteyda u huray dalkan waana JecelahayAmerica,laakiin weerarka ninkani igu qaaday waa uu i dhaawacay”ayuu Maxamed Saalim u sheegay warbaahinta CNN.

Ninka feedhka daanka ku jebiyay Maxamed oo la yidhaahdo Ed Doolberg ayaa ka muuqada muqaal uu  Maxamed ka duubay kiyoo cay dabada u qabanaya Muslimiinta.

“Kiligiin(Muslimiinta)waxaad tihiin Jihaadiyiin Argegixiso ah oo dunida dhbaato ku haya”ayuu yiri ninkan neceybku dilooday.

Booliska Boston ayaa ninkan haatan gacanta ku haya isla markaana dhawaan ku soo oogay denbi.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed