|

DAAWO kulan lagaga hadlayay ka qayb qaadashada Siyaasada ee dadka laga tirada badan yahay

Berbera 02.May (SDN) Waxaa Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil lagu qabtay aqoon Isweydaarsi lagaga hadlayay Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee ka qayb qaadashada Siyaasada iyo Hogaaminta Wadanka,Iyadoo ay Kulankan  ka soo qaybgaleen ,aqoonyahano,Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka berbera,iyo Madax dhaqameed ka socday beelaha laga tirada badan yahay.

Waxaana halkaas lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee Xal looga gaadhi karo waxyaabaha dib u dhaca ku keena Bulshada laga tirda badan yahay,Iyadoo la shaaciyay in dhawr iyo labaatan Xubnood ay uga qayb galeen doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Rubicii u danbeeyay ee Sannadkii tagay ,Waxaanay dalbadeen in hab kooto ah ama Liis Gaar ah loo sameeyo dadka laga tirada badan yahay .

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed