|

Hay’ada Wadaniga ah ee ADO oo deeq Xoolo ah u qaybisay dadka ku nool degmada Maydh ee Gobolka Sanaag

Maydh 02.May (SDN) Hay’adda  Wadaniga ah ee Aado ayaa maanta  ka bilowday Degaamadda  Woqooyiga Gobolka Sanaag,qaybinta  Deeqo Xoolaha ah oo dhan laba kun,laba boqol, Lixdan iyo Lix Neef oo loo qaybinayo Dadkii  Abaaruhu  ay  Xoolaha ka saareen.

Waxa  qaybinta Deeqdan xoolaa ah  Maanta laga bilaabay Degaamada  Xaad iyo Lo’ reeb oo ka tirsan  Deegaanka Degmada Maydh, iyada oo  berrina  la gaadhsiin doono degaamadda  Xaad iyo  Cirfiid oo ka tirsan deegaamada Laasa-surad.

Mr,Xasan Xuseen Nuur, oo ka mid ah Madaxda sare ee Hay’adda Aado, uguna qaabilsan  mashruucan Xoola qaybinta ayaa waxa uu sheegay, in deeqdan  xoolo qay-binta ah ay ku salaysan tahay  daraasad ay hore u sameeyeen,waxaanuu xusay in qor-shuhu yahay in  qoyskiiba   la siiyo  laba iyo toban Neef  oo sacar  u noqda qoysaskaas.

Xasan Xuseen Nuur, waxa uu intaaraaciyey, in Mashruucani uu ka qayb yahay mashaariic ay ka wadaan gobolka  oo isugu jira dhinacyada, Xoolaha,  Biyaha iyo Beeraha.

Xildhibaan Siciid warsame Ismaaciil oo ka tirsan Golaha wakiilada S/land oo isna  deeqdan xoolaha ah  ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu hay’adda wadaniga ah ee Aado uga mahad celiyey deeqdan wax ku Oolka ah  iyo sida cadaalada ah ee ay u qaybinayaan. Waxaanuu u soo jeediyey Hay’adda inay halkaa ka sii wado deeqdan,siina kordhiyaan kaalmada noocan oo kale ah.

Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha  Gobolka Sanaag  Ismaaciil Saalax Cabdi, ayaa isna   dadka  deeqdan xoolaha  ah la siiyo halkaasi uga soo jeediyey macluumaad ku saabsan sidii ay Xoolahan sarac ahaanta loo siiyey u dhaqaalaynayaan, isaga ioo  sheegay, in haddii qoys waliba  mac-luumaadkaas uu siiyey uu raaco in xoolahan Unug ahaanta loo siiyey sii tarmi karaan.

Jaamac dhunkaal oo ka mid ah masuuliyiinta degmada Maydh  iyo dadka deeqdaa xoolaha ah loo qaybiyey ayaa iyana halkaa  mahad-naq uga soo jeediyey Hay’adda  Aado, deeqdan wax-tarka ah ee ay u fidiyeen.

Hay’adda Aado waxa ay  maalinta Berri ah  ay  deeqdan xoola qaybinta ah  ay  gaadhsiin doonaan  degaamada  Xaad iyo  Cirfiido oo ka tirsan Deegaanada  Laasa- surad

Maydh SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed