|

Madaxweynaha Soomaaliya oo qudbad u jeediyay Barlamanka Soomaaliya (Waribixin)

Muqdisho May 02 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortagay barlamanka Soomaaliya, isagoo sharaxaad dheer ka xibiyay xaalada dalka uu hada maraya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xirnaashiyaha Wadooyinka Muqdisho, Heshiiskii Somaliland, socdaalkiisii Puntland iyo Arrimaha Jubooyinka

Amaanka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u sheegay Barlamanka Soomaaliyeed in sababta ay u xiranyihiin wadooyinka Muqdisho ay tahay sababo Amaan iyo ka taro in weeraro ka dhacaan caasimada.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay in ay jiraan weeraro laga cabsi qabo in ay Al Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho madaama ay Al Shabaab hajabaadyo culus ka heleen Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan dad Shabaab ka tirsan oo u diyaarsan inay qaraxyo la eegtaan masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee Magaalada mara.

Wada Hadalada Somaliland

 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadalada Somaliland ay kula jiraan, waxaana uu rajo ka muujiyay in ay guul ku soo dhaman doonaan wada hadalka Somaliland.

Xasan Sheekh Barlamanka waxa uu u sheegay in la sii wadi doono wada hadalka lagula jiro Somaliland waxaana uu tilmaamay in midnimada Soomaaliya ay muhiim tahay.

Puntland

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ku soo heshiiyeen arrimo badan oo muhiim u ah hor u socodka xiriirka dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulada gobolada.

Inkastoo wada hadalkii Faroole iyo Xasan Sheekh uu fashil ku soo dhamaaday oo arrimo badan la isku mari waayay ayaa hadana hogaamiyaha Soomaaliya waxa uu muujiyay in howshu sidii la rabay ay u socoto.

Arrimaha Jubooyinka 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul laga sameeyo Jubooyinka aysan Aqoosan doonin iyadoo qeybo ka mid ah goboladaasi ay heystaan Al Shabaab iyo Al Qaacidd.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay balaarinta dowladda islamarkaana ay qorsheynayaan in ay soo dhaweeyay dadka doonaya in maamul la sameeyo laakiin sida Jubooyin wax looga wado aysan aheyn si sax ah.

SDN-Muqdisho

Comments are closed