|

Kuuriyada Woqooyi oo Xukun Kuriday Muwaadin u dhashay dalka Maraykanka

Pyongyang May 02 2013 (SDN)– Dowladda Kuuriyada Waooyi ayaa Xukun 15-sano oo shaqo Adag ah ku riday Muwaadin u dhashay wadanka Maraykanka oo danbiyo badan lagu soo oogay.

Wakaalada Wararka Kuuriya KCNA ayaa soo warisay in Pae Jun-ho oo Maraykanka looga yaqaano Kenneth Bae xakunkan lagu riday waxaana ay intaasi ku dartay in Ninkan lagu soo isku day Afganbi 30-kii April.

Xukuumadda Pyongyang ayaa tilmaamtay in Ninka La Xukumay uu galay danbi ka dhan ah dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Xukunka ay ku riday Kuuriyada Waqooyi Muwaadinkan Maraykanka ah ayaa imaanaya xilli ay sare u ka ceyso xiisada colaadeed ee ka dhaxeysa xukuumaddaha Pyongyang iyo Washington.

SDN-Pyongyang

Comments are closed