|

Q.M oo dib u dajin u sameysay qaxoot Soomaaliyeed (Warbixin)

Nairobi May 01 2013 (SDN)– Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay wato qorshe ah in dib u dejin ay u sameyso Barakacyaal Soomaaliyeed oo gaaraya 80,000,kuwaasoo ku dhaqan Magaalada Caasimada ah ee dalka Soomaaliya Muqdisho,sida Press TV reports ay qortay.

Tiro lagu qiyaasay 200,000 ilaa iyo 360,000 ayaa dalka kaga barakacay abaartii Soo martay kuwaasi oo buux dhaafiyay in ka badan 500 oo Kaam, Iyadoo loo eegayo hay’ada isku xirka arimaha Bini-danimada ee (OCHA).

2011-dii dadka Soomaaliyeed waxay ku reebtay xasuus gaar ah oo ku aadan Geerida dad badan oo abaar ay sababtay iyo Barkaca dad Malaayiin garaya oo gudaha iyo dibada ukala jiheystay.

Barakacayaashaan hadda la doonayo in Qaramada Midoobay dib u dejin u sameyso,ayaa sidoo kale waxaa qorshaha ku jira in loo fududeeyo waxyaabaha asaasiga u ah Noloshada Bini-adamka,sida u sameynta waxyaabo ay ku maareeyaan Maalmo Nololeedkooda,Waxbarasho sida in iskuulo loo sameeyo iyo xarumo caafimaad.

Qorshahan lagu wado dib u dejin loogu sameeyo Barakacayaasha Soomaaliya ayaa imaaneysa,iyadoo dhawaan warbixin si wada jir ah loo saaray lagu sheegay in dad gaaraya 26,000 ay ku dhinteen abaartii 2011-dii,kuwaasi oo ay ku jireen carruur yar yar.

Qaramada Midoobay ayaa dhanka waxay tilmaameen Barakacayaasha Soomaaliyeed in ku kala irdhoobeen gobolada dalka Soomaaliyeed iyagoo halka ay joogaan ku dhibaatoonaya,iyagoona sheegay in kuwaasi kala tagay la isku keeno,islamarkaana dib u dejin iyo waxyaabaha noloshooda ay u baahan tahay la siiyo.

SDN-Nairobi 

Comments are closed