|

SAWIRO: Sh Shariif oo Khudbado Luuqada Ingiriiska ku baxaya ka jeediyay Mareykanka

Atlanta May 01 2013 (SDN)— Madaxwaynihii hore ee dalka Soomaaliya  Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku maraya qaar ka tirsan magaalooyinka Mareykanka, isagoo khudbado ka jeediyay  magaalooyinka  Atlanta, Georgia, West Virginia iyo North Carolinam ayaa khudbado ka jeediyay jaamacado, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ay ku jiraan qaar horay xilal uga soo qabtay dalka Mareykanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi.

Mudane Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ambassador Charles R. Stith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston iyo Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa.

Khudbaddiisii ugu horeysay ayuu  mudane Shariif  Sheekh Axmed ka jeediyay jaamacada More house Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, Khudbadda oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Soomaaliya iyo mustaqbalkeeda (Somalia and it’s future) wuxuu  uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliya. Jaamacda taariikhiga ah ee Morehouse Collage ayaa lagu xasuustaa halgamaagii waynaa ee arimaha xuuqda insaanka gaar ahaan dadka madowgaa Mareykanka Martin Luther King.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo  la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay  u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine  Jimmy Carter,  sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-1990.

Sidoo kale madaxwaynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbed ka jeediyay  jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, taas oo uu uga hadlay waxbrashada Afrika gaar ahaan waxbrashada Soomaliya.  Aydoo jaamacaddu ay guddoonsiisay mudane Shariif Sheekh Axmed haddiyado kuna amaantay marxaladdii adkeyd ee uu kasoo saaray  Somaliya asigoo ku guuleystay in uu dalkiisa ka saaro ku-meel gaarkii muddada dheer uu ku jiray iyo doorashadii dimoqoraadiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka dhacday sanadkii hore.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Boston iyo Atlanta, Georgia. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bishoo Janaayo ee sanadkaan tagay dalka Mareykanka, isagoo jaamacadda Boston ka bilaabay kororsi waxbarasho, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku sameynayaa arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.

dimoqoraadiyadda Soomaaliya.

2524232221161718192015141312116789101

Comments are closed