Haweeney ay ku xiranyihiin waxyaabo qaraxa oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo
Kismaayo May 01 2013 (SDN)— Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose wararka ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ay qabteen haweenay waxyaabaha qarxa xirneyd oo doonaysay inay isku qarxiso Jaamacada Magaalada Kismaayo oo uu shirka maamul usameynta Jubbaland ka socdo.
Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay dadka deegaanka iyo sidoo kale masuuliyiinta maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen inay jirto haweenaydaasi doonaysay inay isqarxiso balse ciidanka ay qabteen.
Afhayeenka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar oo aan la xiriirnay ayaa wuxuu inoo sheegay in ciidanka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ay qabteen haweenayda xilli ay doonaysay inay ka gudubto goob baaritaan ah oo ciidanka ay ku leeyihiin afaafka hore ee Jaamacada Magaalada Kismaayo.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in iminka ay gacanta ku hayaan haweenaydaasi oo xirneyd suun ay ku xiran waxyaabaha qarxa.
Inta la xusuusto waa haweenaydii labaad oo fal isqarxin iyadoo qorsheynaysa lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose oo uu ka socdo shirka Jubbaland.
Dhinaca kale waxaa Magaalada Kismaayo ka socda weerar madaafiic ah oo xoogag Shabaab ay ku qaadeen Garoonka Kismaayo iyadoo madaafiicda ay ku dhacayeen Gudaha Garoonka halka kuwa AMISOM ay ka jawaabayaan madaafiicda.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda hada ku socda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi.
SDN-Kismaayo