|

Xasan Sheekh: Majiri Doonto In Si sharci daro looga kaluumeysto xeebaha dalka

Muqdisho May 01 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday warshada kaluunka dhoofisa ee Soomaali National Fishing Company,ayaa wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahay kheyraadka dalka Soomaaliya iyo kaluunka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya kaluunka dalka Soomaaliya iyo kheyraadka aysan jiri doonin in si sharcidaro ah looga kaluumeesto xeebaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in maraakiibta sida sharcidarada ah sunta ugu daadiya xeebaha dalka Soomaaliya ay iminka dacwadooda socoto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo udiray shaqaalaha Soomaaliyeed,isaga oo ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta shaqaalaha aduunka oo maanta ku beegan.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa si sharcidaro ah uga kaluumeesta maraakiib shisheeye oo ku dhuumaaleysanaya magaca la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

SDN-Muqdisho

Comments are closed