|

Burcadbadeeda Soomaalida oo sii daayay Markab iyo shaqaalo la socday

Copenhagen May 01 2013 (SDN)–  Sida ay xaqiijisay dowlada Denmarka,waxaa xoriyadoodii dib u helay Afar qof oo ajaaniib ah oo Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay mudo Labo sano ah gacanta ay ku hayeen.

Dadkaan ayaa la sii daayay Maalintii shalay oo Talaado ay ku beegneyd,Waxaana xiligii la weerarayay saarnaayeen Markab laga leeyahay dalka Denmark oo lagu Magacaabo M/V Leopard,kaasi oo Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ka afduubeen Xeebaha Soomaliya.Wasiirka arimaha dibada Wadanka Denmark Villy Soevndal,ayaa sheegay in lixda nin ee saarneyd doonta ay Badqabaan,Mana jirto wax faafaahin ah oo intaasi uu ka bixiyay.Shaqaalaha Lasiidaayay ayaa gaaraya ilaa iyo Afar,waxaana labo kamid ah u dhasheen dalka Denmark,halka Labada kale ka soo jeedaan wadanka Filipinos,Markabkaan iyo shaqaalaha saaran ee la siidaayay ayaa Burcad badeeda waxay afduubteen Jan. 12, 2011,kuwaasi oo sababaha afduubkooda ka danbeeyay lagu sheegay doonista lacaga Madaxfurasho.

“In ka badan Labo ayaa danbiilayaasha waxay u haysteen Maxbuusnimo,sidaasi waxaa sheegay Ra’iisul wasaaraha Denmark Helle Thorning-Schmidt,waaana ku faraxsanahay in Lixda qof dib xoriyadooda ay u helaan,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha.

Ilaa iyo hada ma sheegin dowlada in ragaan lagu sii daayay Lacag Madaxfurasho ah oo la siiyay iyo in kale.

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Denmarka ayaa horay xeebaha Soomaaliya loogu soo diray si ay gacan ugu geystaan sii deynta lahaaystayashaasi.

Comments are closed