FALANQEYN: Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Barcelona vs FC Bayern
Kooxda Blaugrana ayaa caawa dooneysa in ay taariikh dhigto marka ay Bayern Munich ku soo dhaweyso Garoonkeeda Camp Nou.
Wiilasha Tito Vilanova ayaaa rajeynaya in ay sameeyaan mid kamid dib u soo kabashadoodii ugu fiicneyn taariikh marka ay caawa marti qaadan kooxda Camp Nou.
Daafca Barcelona Adriano ayaa dib ugu soo laaban doona kooxdiisa kaddib markii kulan ganaax uu soo dhameystay.
Javier Mascherano oo jilibka ka dhawacnaa ayaa tabar fudud sameeyay waxaana laga yabaa in uu ciyaartan dheelo, laakiin Carles Puyol oo dhawacan iyo Jordi Alba oo ganaaxan ayaa ka maqnaan doona.
Macalinka Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa xaqiijiyay in uusan fariisin doonin ciyaartoyda qatar ugu jira in ay Final-ka seegaan hadii ay jalayaal qaataan.
Javi Martinez, Mario Gomez, Bastian Schweinsteiger, Luiz Gustavo, Dante iyo Philipp Lahm ayaa dhamaan tood qaba min hal jaale hadii ay jaale kala qaataan kulanka caawana waxa a seegayaan Finalka.
Khadka dhexe Toni Kroos ayaa wali maqan, halka weeraryahanka Mario Mandzukic uu dib uga soo laabanayo ganaax hal kulan ahaa oo uu ku seegay lugtii koowaad ee labadan kooxod.
CIYAARTOYDA LAGA YAABO IN AY SAFTAAN KULANKAN
BARCELONA
Valdés
Alves • Piqué • Abidal • Correia
Xavi • Busquets • Iniesta
Pedro • Messi • Sánchez
BAYERN MUNICH
Neuer
Lahm • Boateng • Dante • Alaba
Martínez • Schweinsteiger
Robben • Müller • Ribéry
Mandžukić
Ma Ka War Heysay?
Barcelona ayaa qasaartay 1-kulan 26-ciyaarod oo ay ku dheeshay gurigeeda xilli ciyaareedkan, kulanka kali ah ee ay guul dareysatay waxa 3-1 ku garaacay Real Madrid Copa del Rey bishii February.
Blaugrana ayaa guuleystay 10-kii kulan ee ugu danbeysay oo ay la dheeshay soo booqdayaal Germany waxana Record-ka gurigeeda ee kooxaha Bundesliga uu yahay 19-guul, 1-barbaro iyo 6-guul daro.
Ma jirto koox Yurub ah oo taariikhda ka soo kabatay 4-gool oo lugtii hore laga soo dhaliyay.
Alex Song iyo Gerard Pique ayaa hadii ay Jaalayaal qaataan ay seegi doonaan Final-ka Champions League.
Bayern Munich ayaa guuleysatay 17-kulan dhamaan tartamada oo dhan.
Bavarian ayaa ah kooxda ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan Champions League waxaana ay dhaliyeen 26-gool.
Bayern Record-ka ay ka heysato kooxaha Spain ee ay banaanka kula soo ciyaartay tartanka Yurub waxa uu yahay, 5-guul, 5-barbaro iyo 10-qasaaro ah.
Mario Gomez ayaa ah gool dhaliyaha ugu sareeyay tartanka Champions League kooxda Bayern waxana uu dhaliyay 23-gool.