|

Ururka Xisbulah oo ka digay Faragalin shisheeye oo lagu sameeyo dalka Syria

Berut May 01 2013 (SDN)–Hogaamiyaha Ururka Shiicada ah ee Xisbulah Xasan Nasrulah oo qudbad ka jeedinayay Teefashin laga leeyahay Libnaan ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka socda dalka Syria ay ku lug leeyihiin wadamo shisheeye.

Xasan Nasrulah ayaa sheegay in dagalyahanada Suniga ha ee ka soo horjeeda Maamulka Assad ay kagadaal ka riixayaan dowladdo waa weyn oo ay ugu horeyso dowladda Maraykanka.

Dhanka kale Xasan Nasrulah ayaa tilmaamay in wadamad caalamka ay doonayaan in ay dowladda Syria ku eedeeyaan Adeegsiga hub Nugleer ah si ay u helaan fursad ay dalkaasi faragalin uga sameeyaan, laakiin waxa uu ka digay faragalin lagu sameeyo dalkaasi.

Dagaal Syria ka soconaya ayaa hada u muuqda in uu yahay mid ay aduunyadu xal u la’dahay iyadoo la isku mari la’yahay sidii wax looga qaban lahaa.

SDN

Comments are closed