Deeq raashin ah oo Degmada Xudun ee Gobolka Sool la Gaadhiiyay
Xudun 01,May (SDN) Waxaa maanta gaadhay degmada Xudun ee Gobolka Sool Saamigii Raashinkii Mucaawinada ahaa ee dawlada Turkigu ugu deeqday dadka danyarta ah ee Somaliland.
Deeqdan raashinka ah oo ka koobnayd Kun iyo Sideed boqol oo Kiish oo isugu jira Sonkor iyo Daqiiq ayaa waxaa Gudoomay Gudoomiyaha Degmada Xudun Faarax Cali Ibraahin isagoo markaas kadib ku wareejiyay qaybinta raashinkan Gudi heer degmo ah oo loo Xil saaray Qaybintan raashinkan.
Odayaasha iyo Wax garadka degmadaas ayaa u mahadnaqay Xukuumada Somaliland,Dawlada Turkiga iyo Cidkasta oo ka gacan gaystay inuu soo gaadho raashinkaasi.
SDN- Xudun
contact@somalidiasporanews.com