Gaarriye Marathon: Orod loogu magacdaray Allaah ha u naxariistee Abwaan Gaarriye oo lagaga dhawaaqay Hargeysa
Hargeysa April, 30 2013 (SDN)- Sida la wada ogyahay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, Gaariiye wuxu ahaa halyay qaali ku ahaa dalka Somaliland iyo gayiga Soomaaliyeedba guud ahaan oo dhaxal aan la soo koobi karin uga tagay qarniyo badan oo mustaqbalka ah dalkiisa iyo dadka Af-soomaaliga ku hadla.
Aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardaydii Gaarriye ee jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa xalay kulan ay ku qabteen xaafadda Idaacadda ee Hargeysa ku aas’aasay munaasibad Orodka Marathon-ka loo yaqaanno ah oo loogu magacdaray Alla u naxariistee Abwaan Gaarriiye.
Orodkan ayaannu ugu talo gallay inuu noqdo mid sannad walba dalka laga qabto oo qayb weyn ka noqda xuska sannadguura kasta oo shacbiga Somaliland xusayaan Abwaan Gaarriiye marka ay taariikhdu ku beegantahay geeridiisii 1ka October Alla u naxariistee Abwaankeennii dadka iyo dalkiisa jeclaa ee talada iyo toosinta badnaa Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriiye.
Waxannu qabaan doonnaa Hargeysa haddii Alle idmo sannadka gudihiisa munaasibad ballaadhan oo lagu sii qorsheeyo sida sannadkasta looga qabaan doono dalka Gaarriye Marathon.
Waxannu ka codsanaynaa bahda ciyaaraha, dhaqanka, dhalinyarada iyo waxbarashadaba inay ka soo qaybgalaan aas’aaska Marathonka Gaarriye la bilaabay Insha Allah.
Maxamed Faarax Yuusuf
Maxamed Cabdi Xirsi
Afhayeenka Gudida Marathonka Gaarriy
Email: maantahar@hotmail.com
Tel: 4819666, Hargeisa, Somaliland.