Al Shabaab oo Dad Rayid ah ku laayay duleedka Magaalada Garbahaare ee gobolka Gedo
Garbahaarey April 30 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay laayeen dad rayid ah oo gobolkaasi ku noolaa.
Afhayeenka Maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo aan Telfonka saakay kula xiriiray ayaa ii sheegay dad Rayid ah ay Kooxda Al-shabaab ku laayeen duleedka degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, isagoona sheegay in arintani ahayd mid siwayn oga argagaxeen Shacabka gobolka Gedo.
Nuur Sayax ayaa tilmaamay in Al-shabaab sidoo kale gubeen gaari ay wateen dadkaasi iyagoona ku tilmaamay mid Jaad siday isla markaana kasoo horjeestay Awaamiirtooda.
Waxaa uu ku eedeeyay Al-shabaab in ay lidi ku yihiin Nolosha shacabka isla markaana ay ka hor istaageen wax walba oo udub dhexeed u ah dhaq dhaqaaqa Shacabka, taasina uu sheegay in ay soo afjari doonaan.
Al Shabaab ayaa dhawr jeer sidaan oo kale dad rayid ah ugu laayay deegaano hosota gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid u istaagtay in dadka rayidka ay ka qabtan kooxahaasi leynaya.
SDN-Garbahaarey