|

Raiisul Wasaaraha Suuriya oo ka badbaaday Qarax lala begsaday

Dimishiq April 30,2013(SDN)Raiisul Wasaaraha dalka Suuriya Wael al-Halqi ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday xili uu marayay degaan caasimada ku yaal oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dawlada.

Wael al-Halqi ayaa qaraxa lala beegsaday kiyoo maray xaafada Mazeh sida lagu sheegay TVga qaranka ee dalkaasi.

Dhimasho aan cadadkeeda la shaacin iyo burbur hanto ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaasi uu sababy.

Ma cada in qaraxaasi ahaa mid ka dhashay walxaha qarxa iyo in uu ahaa mid ismiidaamin aha.

Tvga dalka Suuriya ayaa wareysi kooban la yeeshay Raiisul wasaaraha qaraxa dabadii waxaanu sheegay in qaraxa ay ka danbeeyeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda dawladiisa.

Raiisul wasaare Wael al-Halqi ayaa u muuqday in uu qalqalsanaa kolkuu wareysiga bixinayay,wax dhaawac ahna kama muuqan.

Kooxaha kacdoonka wada ayaan ilaa iyo haatan ka hadal qaraxan u danbeeyay ee ka dhacay caasimada dalka Suuriya.

SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed