|

Taliye Ku xigeenka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xabsiga Mandheera baaqna u diray Xukuumada

Hargaysa 29.April (SDN)   Taliye ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Xasan Cali Cawad oo ay Weheliyaan Hogaanada Hawlaha  Xabsiyada,Caafimaadka,Qorshaynta iyo Tababarada ayaa Kormeer Shaqo ku Tagay Xabsiga Mandheera.

Taliye ku Xigeenku waxa uu Warbixin ka Dhagaystay taliyaha Xabsiga Mandheera Cismaan Maxamed Xandule oo ka Waramayay hawlaha Xabsiga isagoo u soo bandhigay qaabka loo dhaqan celiyeo Maxaabiista ku jirta Xabsiga Mandheera.

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Xasan Cali Cawad waxa uu soo Indho indheeyay Warshada Qurxinta Guryaha iyo Xafiisyada isagoo Xukuumada iyo Shacabkana ka Codsaday inay ka Iibsadaan qalabkan ay soo Saaraan Maxaabiista ku Jirta Xabsigan , waxaa kale oo uu Taliyuhu intaas ku daray in Xabsiyada Somaliland ay maanta u dhamaystiiran tahay waxyaabihii ay maxaabiistu u baahnaayeen.

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed