Ciidamo dowladda ka tirsan Oo gubay Xaruntii Shirkada Isgaarsiinta Hormuud (Sawirro)
Ceel-garas April 29 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ku warmayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Rasaas la dheceen oo ay gubeen qalab ay ku shaqeyneysay xarunta Hormuud Telcome ay ku leedahay deegaanka Ceel-garas ee gobolkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqijiyay in arintaasi ay jirto waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falka halkaasi ka dhacay oo ay ku tilmaameen mid laga xumaado.
Dadka ka soo jeeda deegaanka Cee-garas ee Isgaariisntiisa lagu bay ayaa canbaareeyay falkasi waxana ay ku tilmaameen fal lagu waxyeeleynayo adeegyada loo hayo bulshada halkasi ku dhaqan.
Hormuud ayaa ah shirkada kaliya ee ka howlgasha deeganada Bakool ee koofur galbeed Soomaaliya waxaana la sheegayaa in hada siyaabo kale ay ku maareysay isgaarsiinta halkaasi ka jirta oo aan wacneyn.
Ma ahan markii ugu horeysay laakiin waxaa sidaani oo kale loo waxyeeleeyay xarumihii Hormuud ee kuyaalay deegaanada Kulanjareer, Moragaabay iyo Garasweyn oo dhamaan tood ka tirsan gobolka Bakool.
Deegaanada ayaa waxaa maalmihii danbe ka dhacay dagaalo iyadoo marba dhinac ay gacanta u galayeen.
Daawo Sawirrada