|

Shir lagaga Hadlayo Xidhiidh Somaliland iyo Itoobiya oo Hargaysa ka Furmay {DHAGAYSO}

Hargasya 29.April (SDN) Waxa maanta ka furmay  Magaalada Hargeysa shir ballaadhan oo ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin  ka kala  socota  dalalka Somaliland iyo Itoobiya kaasi oo lagaga hadlayo  sii xoojinta xidhiidhka wax wada qabsi ee labada Dal.

Shirkan oo arimaha lagaga wada hadlaayay ay ugu mudan yihiin wax wada qabsiga labada Dal ee dhinacyada  nabadgalyada iyo ganacsiga,Iyadoo Wejigii Hore ee Shirkan lagu qabtay Magaalada Diridhaba ee Wadanka Itoobiya isla markaana lagu sii ambo qaaadayo Waxyaabihii Shirkii Hore ka Hirgalay .

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim oo shirkaasi ka hadlay sheegay in shirkani daba socdo shir hore labada dawladood ugu yeesheen Diridhaba “Waxaan jecel nahay inaad masuuliyiinta ka socda dalka Itoobiya aanu ku soo dhawayno Hargeysa oo aanu nidhaahdo ku soo dhawaada Somaliland oo ah dal aad saaxiib tihiin,”.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadu waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay heshiis iskaashi la yeelato Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonaynaa heshiiska labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ay shirkan ku gaadhi doonaan inuu noqdo mid waxtar leh oo labada dhinacba raali-gelinaya,taasina way ka go’an tahay xukuumadda Somaliland.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Fikru Tedesse oo u hadlay Weftiga ka socday Itoobiya, ayaa sheegay inay Somaliland ku ammaanayaan sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen dalka, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu shirkani u leeyahay labada Dal, isla markaana ay Somaliland iyo Itoobiya yihiin laba dal oo walaalo ah oo ay waxyaabo badani ka dhexeeyaan, waxaanuu xusay inay filayaan in shirkan ay ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo wax tar u leh labada dal.

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada ee Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo si rasmiya u furay shirkaasi ayaa ugu horayn ku soo dhaweeyay wufuuda ka socotay dalka itoobiya Booqashada ay ku Yimaadeen Jamuuriyada Somaliland waxaana uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka Iyo Sida ay rabaan inay u Kobciyaan Xidhiidhka dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada wadan.

Wasiirka Duulista iyo Hawadu Waxa uu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in labada dal sii joogteeyaan shirarka noocan oo kale ah oo uu tilmaamay in dib u eegis lagu samayn doono hadba wixii labada dawladood u hirgalay iyo wixii aan u qabsoomin.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybqaadanaya qaarka mida wasaaradaha labada dawladood waxaana uu socon doonaa muddo laba maalmod ah.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Maxamuud29.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed