|

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska oo Hor tagay Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada

Hargaysa 29.April (SDN) Golaha wakiiladda ee jamhuuriyadda S/land ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiiladda Md,Baashe maxamed faarax ayaa mudanayaasha golahaasi waxay warbixin ku saabsan xaalada Dalka kaga dhagaysteen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha oo ay wehelinaayeen taliyayaasha ciidanka Booliska,ilaaladda Xeebaha iyo laanta socdaalka.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jsl,Md.Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa Mudanayaasha faah faahin ka siiyay Waxqabadkii wasaaradiisa ee tan iyo bilwgii sanadkan  waxaana uu sheegay in aanay j Wax Nabadgalyo Darro ahi  Dalka Ka jirin , waxaana uu Xusay in Amniga Dalka Si weyn Kor Loogu Qaaday.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dadaalka xukuumada ee ku wajahan kor u qadista tayada ciidamada ammaanka  waxaana uu sheegay  in Tababaro loo xidhay dufcadii labaad ee Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee R.R.U,da, iyaga oo dhinaca kalana  tababarkaasi  ay la qaateen Boqol iyo Konton Haween ah oo ka tirsan  Ciidanka Booliska kuwaas oo uu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan  Kor U qaadista Hawlaha  Ciidmada Booliska.

Wasiirku waxa uu Tilmaamay in Magaalooyinka Hargeisa iyo Burco Laga Hirgaliyay  Saldhigyo Boolisku Leeyahay oo Si Casri ah u Dhisan,  isla markaana Si aad ah  Loo qalabeeyey Xarunta Ciidanka Laanta Socdaalka.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu intaasi ku daray In Tababaro ay u Socdaan Ciidanka Baadhista Dambiyada Tababaradaas oo ay Bixinayaan Khuburo Ku takhasustay arimahaas,waxaanu ku amaanay ciidanka booliska  oo uu sheegay in ay si weyn ugu guulaysteen wax ka qabashada  dhacdooyinka  la xidhiidha dambiyada waaweyn ee dilku ka midyahay

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa waxa uu warbixintaas u siyay golaha wakiilada ku sheegay inwasaaradu ku guda jirto qorshihii diiwaangelinta bulsho weynta  somaliland  waxa kale oo wasiirku ka hadlay mashruuca JLPG-ga ee dawladaha hoose la xidhiidha kaas oo uu sheegay in uu ka socdo qaar ka mid ah degmooyinka dalka isaga oo tilmaamay in xukuumadana doorkeeda horumarineed uu barbar socdo.

Wasirrku waxa uu kulankaas kaga jawaabay su’aalo mudanayaashu ay ka waeydiiyeen hawlaha kala duwan eea wasaaradiisu bulshada ugu xilsaarantahay.

Geesta kale,Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto,Cabdilaahi Fadal Iimaan,oo Mudanayaashu wax ka Weydiiyeen Falkii Todobaadkii Hore lagula Kacay Wargeyska Madax banaan ee Hubaal ee ka soobaxa magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ay ku  Gudo Jiraan Baadhitaankii Dhacdadaasi eedaysanaha laqabtay iyo ka maqanba ,isla markaana ay ugudbiyeen hayadaha  qaabilsan isagoo Xusay Taliyihu inuu Dambigaasi Gaar u yahay Shaqsigii Dambigaasi Galay,kaas oo Baadhitaankiisu Socdo Sharcigana La Horgeyn Doono.

Hargasya SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed