|

Baaritaano iyo Casharo Culuunta Scienceka ee Forensic Anthropology ku saleysan oo laga bilaabay xabaalo wadeerdyada Somaliland(DAAWO)

Hargeysa April 29,2013(SDN)- Khubaro ka socota dalka Peru oo ku xeel dheer Culuunta loo yaqaano Forensic Anthropology ayaa fasalo iyo baaritaano ka bilaabaya xabaalo wadareedyada Somaliland.

Fasalada o socon doona mudo afar todobaad ah ayaa ka qeyb qaatayaashu ay fursad u heli doonaan in ay booqdaan Xabaalaha iyo n ay casharo ku qaataan fasalo.

Iyaga oo baran doono casharo isugu jira Dhaqan,Bulsho Diin iyo ka soo kabashadii Somaliland ee Colaadaha.

Dugsigan Socdaalka ku tegaya Somaliland ayaa tababro u fidin doona shaqaalaha Shaqaalaha Gudiga baaritaanka xasuuqii Somaliland.

Dugsigu waxa uu Gudida siin doonaa casharo ku saabsan baaritaanada Forensiga ee Xadgudubyada xuquuqda Aadaha.

Dhamaadka fasalada dabadeed ardeydu waxa ay baran doonaan baaritaanada ku saleysan Culuunta Forensiga ee loo adeegsado dabagalada xadgudubyada biniaadamka,Sidoo kale Ardeydu waxa ay baran doonaan baaritaanada Qubuuraha iyo hadhaaga meydadka.

Sida caadada ah Ardeydu waxa ay laba todobaad ku qaataan Fasalada halka ay labada todobaad ee kalena ay ku qaataan qodida xabaalaha.

Kooxda Sayntiisteyaasha ah ee u dhashay dalka Peru ayaa ka hawlgala Hay’ada EPAF oo ah mid aan dawli aheyn ayaa Xaqaaiqa,Cadaalada,waxaaney kafaalo qadaan ku noqosho la’aanta kiisaska dadka la’waayo iyo kuwa la xasuuqo.

Hay’adan EPAF ayaa gacana ka geysata isku xirka Nabada iyo Dimuqraadiyada goobaha ay ka dheceen xad gudubyada ka dhanka ah Biniadamka,iyaga oo la sheqeynaya Qoysaska dadkooda baadi goobaya.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed