Aas Qaran oo Ummada Somaliga ku hadashaa ay u dhamayd oo lagu Wadacay alle ha u Naxariistee Abwaan C.laahi Macalin Axmed Dhoodaan
Jig Jiga 28.April (SDN) Alle ha u Naxariistee waxaa Galabta Si Heer qaran ah loogu aasay Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Dawlad Deegaaneedka Somalida Itoobiya Marxuun C.laahi Macalin Axmed Dhoodaan oo ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii Calanka u Siday Suugaan Murtiyeedka Somalida .
Alle ha u naxariistee Marxuun C.laahi Macalin Axmed Dhoodaan oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga ,Waxaa Aaska Qaran ee Marxuunka ka qayb galay Wufuud isaga kala Yimid Wadamada ku hadla Afka Somaliga , Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,wasiirka Arimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax sheekh C/laahi,Odoyaal Dhaqameedka,Cuumaaudiinka,Shaqaalaha Dawlada,Golaha Wasiirada iyo Wufuudaad u Tiro badan oo ka kala Timid Dalalka deriska Djibouti,Kenya iyo Soomaaliya kuwaasoo isugu jiray wasiiro iyo Abwaaniin Caan ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cali Idaajaa,Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi,Hure Ibraahin Warsame walanwal,Yuusuf Cabdule Cismaan Shaacir, Maxamed Aadan Dacar iyo,Wariye Xasan Maxamed Yuusuf.
Waxaana Dhinaca Somaliland uga Qayb galay aaskaas Wefti ka Kooban Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur,Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade,Abwaanada ugu waaweyn Somaliland,Bah’da Fanka iyo Qaybaha Warbaahinta Somaliland .
Xubnaha Wasiirada Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah oo ay Xukuumada Somaliland ka sidaan Gaadhsiiyay dhamaan Shucuubta Wadanka Itoobiya,Gaar ahaan Ismaamulka Kililka Shanaad iyagoo xusay in Marxuunku uu ka baxay Guud ahaan inta ku hadasha Afka Somaliga oo uu abwaan u ahaa.
Munaasabada Aaska Qaran ee Qaryaan Abwaan C/laahi maalin Axmed Dhoodaan Ayaa uu Hadal kooban oo isugu jiray Duco iyo Raad raaca Taariikhda Abwaan C/laahi Maalin dhoodaan uu ka soo jeediyay xabaasha Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Sharax dheer ka bixiyay Qiimaha Balaadhan ee uu Deegaanka ugu fadhiyay Abwaanku islamarkaana Sheegay in Gudi si dhaqsa ah u soo daabacda raad-raaaca taariikhda Abwaanka la sameeyay Taasoo lagu dari doono Taaiikhda Abwaan Manhajka Deegaanka,sidoo kalan balan qaaday in la kafaala qaadi doono Nolosha iyo daryeelka Caruurtii uu ka tegay isagoona Madaxweynuhu Ilaahay uga baryay in uu Xaaji C/laahi macalin Dhoodaan naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii,Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tegaya samir iyo iimaan ka siiyo.
Abwaaniinta Kulankaas aaska ku sugnayd Ayaa iyaguna Baroordiiq ka soo jeediyay Aaska Qaran iyagoo ilaahay uga Baryay in uu Naxariisstii jano ka waraabiyo marxuumka Qoyskii,ehelkii iyo qaraabadiina Samir iyo iimaan ka siiyo.
Ilaahay naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Abwaan C.laahi Macalin Axmed oo ku magac dheeraa Dhoodaan,Waxaa Lagu Xasuustaa doorkii Shariifka ahaa ee uu Ka Soo qaatay halgamadii Hubaysnaa ee lagaga soo Horjeeday Taliskii Siyaad bare,Isagoo ahaa Qof Neceb Qabyaalada, iyo Cadaalad darada.
Eebbe ha u naxariistee Marxuun Dhoodaan Waxa uu ahaa Suugaan yahan ku talax tagay dhaqanka, iyo nolosha bulshada Somaalida isagoo ka Mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee ay Suugaantooda ay ka madhan tahay Ereyada Luuqadaha Ajaanibka ee Luuqadeena ku Milmay.
Eebbe ha u naxariistee Marxuun Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxuu ku dhashay sanadii 1941-dii, Miyiga magaaladda Wardheer ee Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, Abwaan Dhoodaan Wuxuu kusoo barbaaray isla deegaan kaas, waxuuna Meerinta Gabayga, Geeraarka iyo Dhaantada uu bilaabay isaga oo 16 Sano Jir ah Eebe ha u naxariistee intii uu saaxada Suugaanta ku jiray wuxuu curiyey Suugaan kala duwan Sida Gabayo,Riwaayado, Heeso Jacbur ah, Geeraaro iyo dhaantooyin aad loo jeclaa,oo dhegta Maqashaa aanay ka Xiise Goyn.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHUN RAAJICUUN.
Jig Jiga SDN.
Qurbejoog.com