|

Madaxweyne Siilaanyo oo uu Qaabilay Sarkaalka ku Xiga Wasiirka Arrimaha Dibada Maraykanka

Washington DS 26.April (SDN)   Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State Department-ka ah, oo ay ka mid ahayd. Marwo magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah sarkaalada ku xigta Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.

kulankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Department-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar hadii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Somaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA? Iyo in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.

Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay waftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia. Waxay kaloo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykan ahaan. Kaas oo wakhtiga dhow la suurto gelin-doono.

Waxay kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay waftiga in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay shower-teen in ay ka qayb qaataan sanduuqa Somaliland.

Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu samaayay Wasarada Arrimaha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybteeda Africa.

Washington DS SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed