Abwaankii Geyiga Somalida laga yaqaanay ee C.laahi Maxamed Axmed Dhoodaan oo Geeriyooday
Jig Jiga 26.April (SDN) Ilaahay Naxariistiisii Janno ha ugu Deeqee Waxaa Maanta Magaalada Herer ee Wadanka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Cabdilaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo Door Mug iyo Miisaan leh ka soo qaatay Halgamadii Kala duwanaa ee lagu dagaalamayay Nidaamkii Siyaad Bare,Waxaana Marxuunka isala Maanta lagu aasay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobia.
Alle ha u Naxariistee Marxuun Dhoodan Waxa uu ka mid ahaa Shakhsiyaadkii Faro ku tiriska ahaa ee Ka Hor Yimid Tawradii Siyaad Bare,Waxa uu ahaa Shakhsi Badheedhe,Hadal Cadaan iyo Geesinimaba lagu Majeerto ilaahay ha u naxariistee Marxuunka Waxa uu Mudooyinkii u danbeeyay ahaa dhinac yaal.
Eebbe ha u naxariistee Marxuun Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxuu ku dhashay sanadii 1941-dii, Miyiga magaaladda Wardheer ee Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, Abwaan Dhoodaan Wuxuu kusoo barbaaray isla deegaan kaas, waxuuna Meerinta Gabayga, Geeraarka iyo Dhaantada uu bilaabay isaga oo 16 Sano Jir ah Eebe ha u naxariistee intii uu fanka ku jiray wuxuu curiyey Suugaan kala duwan Sida Gabayo,Heeso Jacbur ah, Gabayo, Geeraaro iyo dhaantooyin aad loo jeclaa.
Halkan Waxaan idiinku Soo bandhigaynaa Mid ka Mid ah Suugaanta ay Dabciga abwaanku iyo Sida uu u Nebcaa Qabyaalada uu tiriyay Waa Gabayga Duraaqsi oo soo baxay 1982kii
Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye
Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye
Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye
Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye
Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn
Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay
Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh
Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe
Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye
Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga……………….
Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Haku darina diraceena go’ay, kaa dudada taagan
Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta
Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda
Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e
Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye
Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood. Jawaabtii Dhoodaan
waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su’aalo u badiyey gabaygiisii.
Wuxuu yidhi Dhoodaan:
1. Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay
2. Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh
3. Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo
4. Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta
5. Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye
6. Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga
7. Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay
8. Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene
9. Dalkan Yurub Israa’iil dajine, xoog duldhige Naato
10. Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene
11. War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala
12. Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane
13. Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye
14. Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode
15. Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine
16. Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine
17. Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta
18. Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona
19. Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya
20. Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda
21. Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta
22. Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo?
23. Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay
24. Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay
25. Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane
26. Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise
27. Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin
28. Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin
29. Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin
30. War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin
31. Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin
32. Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu
33. Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?
34. Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey?
35. Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay
36. Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay
37. Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?
38. Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu?
39. Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!
40. Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso
41. Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso
42. Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka?
43. Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye
44. War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin
45. Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee
46. Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?
47. Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco
48. Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan
49. Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?
50. Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?
51. Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah
52. Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay!
53. Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe
54. Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye
55. Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede
56. Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay?
57. Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye
58. Dabroo celi su’aalihii madayn, ii dihnaa waliye
59. Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe
60. Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee
61. Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday
62. Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye
63. War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?
64. S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan
65. Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda
66. Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?
67. Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay
68. Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene
69. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo?
70. Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada
71. Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye
72. Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa
73. Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay?
74. Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya
75. Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay?
76. Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye
77. Waxaana maansadiina u da’ wayn, doona xididkii e
78. Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay?
79. Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka
80. Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso
81. Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay?
82. Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e
83. Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye
84. Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay
85. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?
86. Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo
87. Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e
88. Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh
89. Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh?
90. Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda
91. Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda
92. Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?
93. Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!
94. Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano
95. Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare
96. Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan?
97. Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto?
98. Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e
99. Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha
100. Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse
101. Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?
102. Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha?
103. Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa
104. Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday
105. Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin
106. Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?
107. Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka
108. War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca
109. Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?
110. Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo
111. Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye
112. Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye?
113. Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba
114. Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye
115. Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya?
116. Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay
117. Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne
118. Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise
119. Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh
120. Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye
121. Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday?
122. Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato
123. Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya
124. Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya
125. Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene
126. Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin?
127. Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye
128. Gardaro iyo daandaansi ba’an, qoomkii lagu doontay
129. Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh
130. Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo
131. Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane
132. Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye
133. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?
134. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo
135. Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado
136. Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye
137. Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?
138. Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?
139. Mise dabar go’ooday sugaan, jeerkii laga daalo?
140. Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e?
141. Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee
142. Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi
143. Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye
144. Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna
145. Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e
146. Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye
147. Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga
Jig Jiga SDN.
Qurbejoog.com