Britain oo Sheegtay Soomaaliya ay ka caawineyso Sirdoonka
Nairobi April 26 2013 (SDN)– Wasiirka Arimaha Africa u qaabilsan dowlada Britain Henry Bellingham oo la hadlay Warbaahinta ayaa qeexay in dowlada ingiriiska dowlada Soomaaliya ay kaa taageeri doonto dhanka hay’adaha sirdoonka si looga hortago Qataraha dhanka amaanka ah ee ka imaanaya Al-shabaab.
Wasiirka oo kulan kala qeyb galayay Soomaali badan oo ku dhaqan dalka Mareynkanka ayaa shaaciyay in Mar waliba dowlada ingiriiska ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana dhan kasta ay ka taageereyso,ayaa hadana wuxuu carabaabay inay qaadayaan talaabo wax ku ool ah oo lagu taageerayo ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya si ay kaga gaashaan taan hanjabaadaha xaga amaanka quseeya ee ka imaanaya Al-shabaab.
Sidoo kale Mas’uulkaan oo ku dheeraaday ka hadalka xaalada haatan ka taagan Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu tibaaxay inay kaliya aysan ka qeyb qaadaneyn xaqiijinta amaanka,balse ay sii wadi doonaan joogteynta amaanka,Siyaasada iyo dib u dhidka hay’adaha amaanka dalka.
“Waxaan la sii shaqeyn doonaan Soomaaliya si ay isaga difaacdo Argagixisada sida uu hadalka uu u dhigay wasiirka arimaha Africa u qaabilsan Boqotooyada Britain,wuxuuna sidoo kale sheegay in Xukuumada London ay Martigilin doonto shirka May lagu wado inuu ka furmo dalkaasi,kaasi oo Soomaalida la isugu keenayo.
Sababta ka danbeysa in dowlada Britain ay ku dhawaaqdo in Soomaaliya iminka ay ka taagereyso dhanka wardoonka ayaa lagu sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka dhanka amaandarida ee jirta dalka Soomaaliya.
Waxaana Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ku soo noq noqday Weerarada Qaraxyada ee lala eeganayo xarumaha dowlada kuwooda ugu muhiimsan.
Talaabadii ugu danbeysay ay qaato Britain islamarkaana horamarada Soomaaliya ka mid ah ayaa ah safaaradeedii oo mudo 22-sano u xirneyd dagaalo sokeeye ay dib uga furto Medisho.
SDN